Radio Jigjiga Home     Radio Jijiga, The Peace Maker!

Contact Us  Dhageyso Radio Jigiga  Read Readers' Opinion  Nagala Soo Xidhiidh  Hoyga Suugaanta ee Radio Jigjiga  Radio Jigjiga Library  Ethiopian Links  Visit RJ's Search Page  About Radio Jijiga

Hambalyo

Waxaan hanbalyo iyo bogaadin udirayaa
madaxweynah cusub ee loodortay daganka
somalida ethiopia mudane Abdi Mohamud Omar waxaan leeyahay mudane Abdi haushaas culus eed qabtay ilahay ha kuu fududeeyo waxaanse shaki igaga jirin hadaan eego kardida uu mudane Abdi, m ,Omar uleeyahay shaqo laqabto inuu maalin galin keed hashuuqabto aay umadu uuriyaaqi doonto marka lagadho wakhti intas kabadana waxaan aminsanhay ama aan ilaahay karajeen inuu dagaankenu gaadhi toono Ethiopia inteeda kale ee waxanan leyahay madax weynaha hadanunahay jahliyaadka dagaanka ee dibada ku nool geed dheer iyo ku gabanba wanu uu fuuli sidaan dagankena nabad uu ahaano horumarna ugaadho takle waxaa runtii iyna xusid mudan iyo amaan xusbiga iyo madaxdiisa khasatan mudane Abdifatah Sheikh Abdullah.

Ahmed dhagaweyne. Kare13@hotmail.de


Anigoo ah (mr gaaleri)waxaan uhanbal yay nayaa cabi cumar oo noqday madax waynaya kililka5 naad ee ismaamulka somali ethopia
gaal eri, somaali2009@hotmail.com


Waxaan halkan sidoo kale uga hambalyaynayaa madaxweynaha cusub ee DDS, Hon.Cabdi Fariid iyo guud ahaan maamulka DDS. Waxaan ka boorinyaa inay si buuxda ula shaqeeyaan maamulkan cusub.
gaar ahaanna madaxweynaha cusub waa inuu iska fogeeyaa dabeecdaha nin jeclaysiga iyo qabyaaladda oo ah kaabiyadaha hor taagan in la helo maamul wanaag ka hirgala maamuladii soo maray DDS.
Rabbiga ayaan uga baryeenaa inuu xigmad dheeraad ah siiyo Cabdi Fariid.
Abdi Mula.
Cabdi Mula, grace_trth@yahoo.com 
 


waxaan halkan han balyo hawada umari nayaa madax waynaha cusub abdi mahamuud cumar waxaan umalaynayaa in xilkaa uuqaday uu uga soobixidoono sifiican alaha kadhigo madaxwaynihii wadan kiisa iyo dadkiisaba hormariya /mr curri/ luxembourg
curri. muqadishoo@hotmail.com


waxaan idinku salaamayaa walaalyaal salaanta muslinka asc , salaan kadaib anagoo ku hadleyna beel weybta yaasuf ee qurba joogta waxaan u manbalyeeyneynaa madaxweynaha cusub oo loo doortay maamul gobaleedka dowlad deegaanka soomalida mudane cabdi mahamed cumar waxaanu aaminsan nahay in uu yahay nin uqalmo jagada loodoortay shacabka soomaalida itoobiyana waxaan ka codsaneynaa in ey la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

maxamed mahamud abdi, yaasuf5@hotmail.com


waxaan aad ugu hambalyaynayaa dhamaan shaqalaha idaacada jijiga anigoo ku nool magalada jijiga xaafada (06)magacaygana layidhah .khadar mahamed aden
khadar, khadar069@hotmail.com


 Hambalyadii OO Dhan

 

Hambalyadii, iyo Damaashaadkii Maalintii ka dambeysayMadaxweyne Cabdi Maxamuud

Dhamaadkii Damaashaadka, & Bilawgii Hawsha Adag

Waxaa Qoray Cabdiraxmaan Sheekh Xasan

waxaan u malayn madaxweyne Cabdi Maxamuud inuu hada, iyo wixii ka horeyey aad u maqlay hambalyooyin, iyo boogaadin badan, balse tana madaxweynuhu haku darsado; waxaan aad ula yaabney hadaan nahay bahda saxaafada taageerada, farxada, iyo sida aan horey loo arkin ee dadweynaha Soomaalida Ethiopia ay madaxweynahooda cusub u soo dhaweeyeen, runtii soo dhaweyntan waxaa la oran karaa, waa mid ma dhacdo, ama mar la arag ah, oo inyar oo madaxda cusubi ay helaan, laba sii odhan karee Cabdi Maxamuud meel looga duceeyeyba koobkii hambalyada wuu jabiyey!.
Waxaan shaki ku jirin in Daauud Maxamed Cali ahaa nin aan dadkuu xukumaa jeclayn, waayo waxaa laga garan soo dhaweynta, iyo gacmaha furan ee loo fidiyey Madaxweynahan ay dadku aadka u jecel yihiin, tani maahan wax qoraagani iska sameystay ee waa waxa aanu ka aragnay shacbi weynaha taageeraya Cabdi Maxamuud.

Maxaa  Daauud Maxamed Cali Dadku ku Nacay?

Runtii waa su'aal adag oo aaney anaga suxufiyiinta, ahi, iyo shacbi weynuhu ka jawaabi karin, waayo goob joogayaal, ama dad xogogaal ah maanaan ahayn.
laakiin madaxweyne Cabdi Maxamuud, iyo raga madaxda sare ah ee dawladeenu waa ogyihiin.
Madaxweynuhu waa inuu ka faaideysto arintan, ka dibna khibrada uu ka helo u adeegsado siduu maamul wacan u sameyn lahaa.
Sidaan dad badan ka maqalnay daauud wuxuu ahaa nin ku adag oo aad ugu taagan dadkuu xukumo, tan waxaa cadayn u ah sidey shacabku u sagootiyiin!Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar
Mudane madaxweyne adigu ka digtoonow arintan, ogowna in go'aanka aad gaadho uu saameyn dil, iyo nolol ah uu dad badan ku yeelaan doono!
kuwa aad madaxda ka dhigatid, amaba ehelada kula ah marna ha u ogalaan iney magaacaga ka dhigtaan shaati ay huwadaan, kadibna dadna ku dilaan, kuwa kalena ku naasnuujiyaan!.
Dad lamawada qancin karo, laakiin maamulka suuban had, iyo jeer waxaa saldhig u ah cadaalad, iyo sinaan.

Waa in madaxweynuhu daymo gaar ah u yeesho meesha ay marto hantida, iyo maalka aadka u badan ee loo yaqaan Kontaraada (Contract) dadka la siiyo waxay ku qabtaan, iyo meesha ay xolahaas badani mariyaan, lasoco masuuliyadeeda inaad adiga madaxweynaha ahi ugu dambeyn  leeday, waana meesha ay ka bilaabato karti-xumada, iyo sumcadaada oo hoos u dhacda.

Waxaa suura gal ah in dad badan laguugu sheego iney cadaw kugu yihiin, ama ku neceb yihiin, iska jir arintan mudane madaxweyne yeysan la taliyaashaadu adiga ku maamulin, talada adigaa iska leh, waxaa dhici karta in nin karti, iyo aqoon leh oo laga yaabo garab, iyo gaashaan inuu kuu noqdo lagugu diro, isagoon adiga waxba ku yeelin, laakiin kuwa kula taliya ay neceb yihiin.
 
sida aan la socono arintani waa dhibaato weyn oo dalkeena ka taagan, gaar ahaan caasimada Jigjiga.
La xisaabtan madaxdaada, had, iyo jeer ogow oo la soco meeshay ay wax marinayaan, waa inaan adiga madaxweynaha ah wasiirada, iyo madaxdaada laguu soo xulin ee adiga aad xulatid, adigoo doorashadaada saldhig uga dhigaya khibradooda, hawlkarnimadooda, daacada ay adiga madaxweynaha ah, dawladeena, tan Federaalka, iyo dalkaba u yihiin, ka fogow daneystayaasha jagadoonka ah si ay wax u xadaan, waana wax aad muhiim u ah sirdoon culus leedahay.
Sirdoonku waa tiir ka mid ah tiirarka maamul wacani ku taagan yahay, ogaanso la'aan waa dhago ,iyo dhug la'aan!

Dadka Dibadaha ka Yimaada ee Jaaliyadaha loo yaqaan, iyo Madaxweynaha

Inta badan dadka jaaliyadaha loo yaqaan ee dibadaha ka yimaada waa dad daacad ah oo hilow, iyo kalgacal weyn u qaba dalkooda jecelna iney wax la qabtaan dawladooda, laakiin mudane madaxweyne ma ogtahay in badan oo dadkan ka mid ahi ay yihiin kuwa dan gaar ah wato, oo haba yaraatee aysan kujirin wax wadani-nimo ahi, sideed xoolo been ah ku heshaa maahine, waana kooxdan dambe kuwa dhibta weyn maamulkaaga u keeni doona, dadka gudahana dhagaha ka haysta!
Kala saarista tuuga, iyo daacad-wade waa wax loo baahan yahay in madaxweynuhu ogaado.

Siduu Madaxweynuhu Ula Dhaqmi Lahaa Ururada Dawlada La Dagaalsan, iyo Kuwa Nabada-Doonka ah

Arinkan waa mid la dhaqankeeda, iyo qorshaheeda uu madaxweynuhu aad u yaqaan, runtiina la odhan karo Cabdi Maxamuud waa ninka kaliya ee ku guuleystay sidey hawshani ahaydna u meel mariyey (good for him) markaa wax badan iyada tan ka odhan mayno, laakin wax yar aan ku darno, taas oo ah, in badan oo ragan jabhadaha soo galay sheeganaya waa jago doon, ee dal jaceyl. iyo nabadi ma wado, tana waa in madaxweynuhu fiiro gaar ah u yeesho.

Saxaafada, Warbaahinta, iyo Shabakadaha Fadhi Ku Dirirka Loo Yaqaan

Inkasta oo uu madaxweynuhu aqoon gaar ah u leeyahay la dhaqanka warbaahinta, hadana waa muhiim in madaxweyhu aad uga digtoonaato wareysiyada uu siiyo Idaacadaha dibada ee uusan isagu kontoroolin, ama aan Ethiopia laga lahayn, sida VOA-da, ama BBC-da, waayo waa Idaacado dawladu waaweyn ku xidhan, inta badana danaha dawladaha iska leh u adeega, wararka ay duubaana ma lumiyaan ee waxaa suura gal ah in mar dambe cadawgaagu saad adigu ula jeeday maahine si kale loo isticmaalo, iyadoo adiga lagugu xumaynayo, isku taxaluuji inaad afhayeeno afkaaga ku hadla sameysatid, laakin markaad rumaysan tahay inaad adigu hadashid taxadarkan madaxa ku hay!.
Dhinaca kale shabakadaha fadhi ku dirirka loo yaqaan, inkasta oo ayna inta badan waxyaabo xaqiiq ah ka hadal, ama qorin ee waxay soo dhigaan ay tahay been abuur, hadana xafiiska warfaafinta, & dalxiisku waa inuu kormeero (monitoring services) waayo waa meesha kaliya ee dadka jaaliyadu ay wararkooda ka helaan, haba ugu sii badnaadaan dadka wararka aan sii tix raacin ee hebel, iyo heblaayaa tidhi ku dhaqma.

Gabagabdii Talada Madaxweynaha Ku Socotay

Madaxweyne Cabdi Maxamuud waxaad haysataa fursad, iyo nasiib weyn oo aan soo marin rag badan oo adiga kaaga horeyey jagadan aad hada qabatay.
Taageerada shacabku waa nasiib inyar oo madax ahi ku caano maasho!
Dawlada Federaal-ku waxay khaati ka joogtaa in koox yari magacoodii dhulka la dhacdo, (ruined it's image in abroad) ka faaiideyso arintan, oo tus dawlada inaad tahay xubin culus oo dawlada dhexe isku halayn karto, adigoo adeegsanaya khibradaada aad warbaahinta u leedahay, iyo cidii kale ee aad aaminsan tahay iney kaa caawin karto.

1:Shaqaalihii la caydhiyey wixii si sharci ah lagu soo celin karo, adigu soo celi. adigoo hantida Dawlada u adeegsanaya inaad nabada ku taageertid, kuwa nabada diidka ahna ku edbisid.

2: Abuur oo dhis hab lagu abaal mariyo dadka shaqo wanaag, wadani-nimada ku caan baxay, tani magacaaga, iyo in sumcada maamulkaaga ayey aad u dhisi.

3: Isku taxaluuji in dawladu xakamayso qiimaha walxaha daruuriga ah ee la quuto, waan ognahay in arintani adag tahay, laakiin waa lagama maarmaan in nolosha dadka danyarta ah kor loo qaato, markale Mudane madaxweyne arintani dhabtii waa muraayada laga daawan maamulka dawlaada ee aad adigu madaxweynaha ka tahay.

4: Ugu dambayn, ahna tan ugu weyn sidey dadweynahu shan sano, toban, ama labaatan sano Cabdi maxamuud Cumar ka aaminsanaan doonaan, yacni maxaa lagaaga sheekaysan doonaa, la soco hadaad fursad haysataa, uga faaiideyso sida ugu haboon!.




Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, maamulaha guud ee Radio Jigjiga.
Qoraaga; Cabdiraxmaan Sheekh Xasan,(Sawirka Midigta) waa maamulaha guud ee Radio Jigjiga, shabakadii ugu horeysay inta dawlada sida buuxda u taageersan tii ugu horeysay(http://www.radiojigjiga.com) . Waa mulkiilihii, isla markaan soo daabici jirey Wargeyskii Afka Ingiriiska, iyo Soomaaliga ku soo bixi jirey lana odhan jirey The Horn Times, kana soo bixi jirey Minneapolis, MN.
Wuxuu hada ku nool yahay Gobolka Minnesota, USA

 

 

RadioJigjiga@hotmail.com  Home Contact Ustop button   Dhageyso Radio Jigjiga  Opinion About Radio jijiga

Copyrights © 2000-2010 Radio Jigjiga. All Rights Reserved.